Maxay Tahay Sababta Dowlada Somaliya ay uga Codsatay Dowladaha Kenya,Ethopia iyo Jabuuti...

Maxay Tahay Sababta Dowlada Somaliya ay uga Codsatay Dowladaha Kenya,Ethopia iyo Jabuuti in ay ka Qayb Qatan Sidi Galmudug iyo Ahlusna loo Wada Hadalsiin laha

0
SHARE

Dowladda Somaliya ayaa ka dalbatay Urur Goboleedka IGAD in ay gacan ka siiyaan Wadahadalada dib u heshiisiinta Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

7 Dowladood aya Ka Qayb Qadan Doona Sida Qorshuhu uu Yahay Wada Xaajood Dhax Mari Doona Maamulka Galmudug iyo Urur Diimeedka Ahlusunna Waljameeca oo iyagu ka Arimo Tuulooyin iyo Degmooyin Hoos Taga Galmudug

Ethopia ,Kenya ,Jabuuti iyo Dowladaha Kale ee ku jira Urur Gobaleedka Igad aya Dowlada Dhaxe Waxa ay ka Codasatay in Kaalin Wayn laga Qaato Sidii Labada Dhinac la isku soo horfadhiisin lahaa Waxaana arintaasi aqbalay Urur Goboleedka IGAD.

Madaxdii soo Maray Dowlada Soomaliya aya Dhawr  Mar oo Hore isku Dayay in  ay Wada Hadalsiiyaan Labada Dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna Balse Sharuudo Adag oo ay Soo bandhigeen Koxda Ahlsunna aya Keenay in ay Sii Socon Waayeen Wada Hadalo la Rajeynayay in labada Dhinac ay kaga Wada Hadlaaan Ayaaha Gobalada Dhexe ee Soomaliya

LEAVE A REPLY