Meydad Badan oo laga Helay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho Wararkii Ugu...

Meydad Badan oo laga Helay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho Wararkii Ugu Danbeyay

0
SHARE

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa laga helay meydadka lix wiil dhalinyaro ah, sida uu shaaciyay maamulka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka degmada C/casiis Xasan Xaaji Abuukar ayaa sheegay in tirada guud ee meydadka ay heleen ay yihiin lix dhalinyaro ah, dhamaantoodna la wada aqoonsaday, kuwaasi oo siyaabo kala duwan badda ay la tagtay.

Xasan Xaaji ayaa sheegay in lagu guda jiro xiligii bad xiran oo ay baddu kacsan tahay isla markaana lagu guda jiro munaasabada ciidda iyo maalmaha xorriyada, sidaasi darteedna ay dadka ku badeen xeebta, maalintiina ay usoo dabaal tagaan in ka badan shan boqol qof.

Wuxuu sheegay in maamulka degmada C/casiis ay ka digeen xiligaan halista badda, sidoo kalena ay jiraan badbaadiyeyaal laakiin tirada dadka oo badan oo nus milyan ay usoo dabaal tagaan xeebta inaysan baahida jirta dabooli karin xiligaan xaggaaga ah

LEAVE A REPLY