Qoraal Xiiso badan Qatar,Sacuudiga iyo Imaaraadka sidee dhaqaalo ugu kala bixiyeen Doorashadii...

Qoraal Xiiso badan Qatar,Sacuudiga iyo Imaaraadka sidee dhaqaalo ugu kala bixiyeen Doorashadii Somalia ka dhacday?

0
SHARE

Marka aanu dib u eegno Doorashadii Soomaaliya ka dhacday iyo saameynta ay ku lahaayeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah, Qatar iyo Turkey oo dhinac ah, waxaa soo baxeysa in Soomaaliya ay tahay dal dowlad kastaa dano gaara ay ku wadato

Dowladda Qatar oo soo mareysa wariyihii hore ee Al-Jazeera Fahad Yaasiin, haddana ah agaasimaha villa Soomaaliya waxa ay dhaqaale ahaan taageertay madaxweyne Farmaajo doorshadii uu Febraayo ku guuleysaty, sidaa owgeed waxa uu Qadar la yahay saaxiib ka dhow Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Imaaraadka oo wakiil ka ah siyaasadda waddamada hadda isbaheysiga sameystay,  doorashadii la soo dhaafay cidna ma taageerin balse waxa uu si aad uga soo horjeestay madaweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan la safnaa Turkiga oo khilaaf kala dhaxeeyo Imaaraadka, sidaas darteed Imaaraadka iyo Isbaheysigiisa (Sucuudiga, Masar iyo Bahreyn) waxa ay xildhibaannada u sheegayeen in ay doortaan cid kasta oo aan ahayn Xassan Sheekh, balse markii uu Farmaajo soo baxay waxa ay u muujiyeen in ay isaga taageersan yihiin, waxa ayna ugu yeereen dalkooda booqashadii ugu horreeysay ee uu dibadda ku aado.

Sidaas darteed labada dhinacba waxa ay dowladda Soomaaliya ku sheeganayaan abaal, waana sababta ay  u adkaatay in ay mas’uuliyiintu go’aan gaaraan.

LEAVE A REPLY