Waa Sidee Xaalada Gaalkacyo ,Mxaa ka Jira in Maxjarkii Horay loogu dagalamy...

Waa Sidee Xaalada Gaalkacyo ,Mxaa ka Jira in Maxjarkii Horay loogu dagalamy ciidamo la kenay , iyo Faah Fahino Rasas la maqlay xalayto

0
SHARE

Wararka aan ka heleyno  Xafadaha  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas laga maqlayayay Xaafado ka tirsan Magaaladaas taa soo aan la garaneyn cida ay u dhaxeysa.

Galbeedka Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Maxjarka Xoolaha ayaa laga maqlayaa rasaas u muuqata in ay laba dhinac isku ridayaan taa soo soo bilaabatay Gelinkii dambe ee Maanta ilaa iyo hadana la maqlayo.

Lama Oga cida ay u dhaxeysa rasaastaas balse goobta ayaa la sheegay in ay tahay goobi ay horay ugu wada dagaalameen Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug,waxana tani ay casbi gelisay Shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Puntland aya Sheegay in Dhanka Galmudug weerar looga soo Qaaday isla Markaa Rasaas mudo Kooban socotay labada dhinac la is waydaarsaday

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug oo aan xiriir la sameynayna wa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan rasaasta Caawa laga maqlayo Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dgawaan Magalada Gaalkacyo waxa ka Dhacayay shirar labada dhinac ah kaasi oo aha shirar nabadeed oo looga gon laha in xoolo dhaqatada labada dhinac ay wdaagan daaqsinka iyo dhulka  isla markana la soo afjaro dagaalo dhiig badan uu ku  daatay oo labada dhinac ku dhax maray degano hoos taga gaalkacyo iyo  isla magaladaasi

 

LEAVE A REPLY