Wadamada Sacudiga,Imaaradka Baxareyn iyo Masar oo xiriirka u jaray dowladda Qatar

Wadamada Sacudiga,Imaaradka Baxareyn iyo Masar oo xiriirka u jaray dowladda Qatar

0
SHARE

HM_Xafiiska Adis ababa Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Wakaaladdu waxay soo xigay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhammaaan gaadiidka qadar ka xiratay hawadeeda iyo dakadaheeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.

Arintan aya Sidoo kale Waxa ay ku soo aday Xili Dhawaan ay Soo baxeen Warar shegaya in Dowlada Fadaraalka Soomaliya iyo al=shabaab  ay Wada Hadlayan , Wada Hadlkaasi oo la Sheegay in ay Gar Wadeen (Dhax Dhaxaadin ) ay ka Tahay Dowlada Qadar taasi oo leh shaki  hor leh oo ku adan in Al-Shabaab ay Maal Galiso Dowlada Qadar

Xafiiska  Hobyomedia.com Adis abaab (Ethopia)

LEAVE A REPLY