Daawo Ciidamada Al-Shabaab oo la Gaarsiiyay Jab Xoogan iyo Meydadkooda oo la soo Bandhigay

Ciidanka Jubbaland ayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku laayay deegaanka Lugloow oo dhinaca Waqooyi magaalada Kismaayo ka xiga qiyaastii 17-KM.

Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay Maydadka Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaalka ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Hubkii ay siteen.

Sidoo kale Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dileen 12-ka mid ah Maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland ayaa sheegay in ciidamadu weerar qorsheeysan la beegsadeen maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab oo isku abaabulay howdka deegaanka Lugloow, kuwaas oo doonayay inay dhibaateeyaan shacabka Jubbaland.

Madaxweynaha JFS ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada ay qaldeen Maleeshiyada Al-Shabaab in la cafinayo hadii ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira in ka badan 50-dhalinyaro ah oo ay dagaalada iyo dhibaataynta Shacabka u adeegsan jireen Al-Shabaab oo iyagoo ka faa’iidaysanaya Cafiska Madaxweynaha isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements