Daawo Madaxweyne caan ah oo lacag aan caadi aheyn hadiyad ahaan u...

Daawo Madaxweyne caan ah oo lacag aan caadi aheyn hadiyad ahaan u siiyey dumaashidiis

0
SHARE

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa haddiyad ahaan u siiyay dumaashidiis $60,000 oo u dhiganta (£46,000) sanad-guurada dhalashadeeda, sida laga soo xigtay wargeyska dowladda ee Herald.

Wuxuu wargeysku sheegay in haddiyadda loogu mahad celinayay Junior Gumbochuma, oo ah marwada madaxweynaha walaasheed ka weyn, caawinta ay carruurta Mugabe caawisay.

Mrs. Gumbochuma oo ah baadariyad, ayuu wargeyska Herald sheegay in madaxweynuhu uu uga faa`iideystay fursadda xuska dhalashadeeda inuu ku cambaareeyo baadariyada indho-sarcaadka ay sameeyaan lacago uga qaata macaamiishooda.

Dhaqaalaha Zimbabwe ayaa haatan ku jira soo kabasho wuxuuna dalku uu la daalaa dhacayo gabaabsi dhanka lacagaha ah, iyadoo aysan oollin lacagta doollarka oo ku filan.

LEAVE A REPLY