Daawo Maxaabiistii laga sii daayey xabsiyada Itoobiya oo caawa laga soo...

Daawo Maxaabiistii laga sii daayey xabsiyada Itoobiya oo caawa laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde

0
SHARE

Dayuurad gaar ah oo siday maxaabiistii dhowaan dowladda Itoobiya ka sii deysay xabsiyada dalkaas ayaa caawa soo caga dhigatay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dayuuradan la socday maxaabiis tiradoodu gaareyso 114 maxbuus oo dembgiyo kala duwan ugu xirnaa gudaga dalka Itoobiya.

Sii deyntooda ayaa ka dambeysay ka dib heshiis ay wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya markii dhowaan uu dalkaas booqday raisul wasaaraha xukuumada Somalia oo ka qeyb galayey shir madaxeedkii Midowga Afrika.

Maxaabiistan lasoo daayay waxaa safarkooda ku wehlinayay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya fadhiya Max’ed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya jooga Jamaaluddiin Mustafa.

Waxaa garoonka diyuuradaha kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, xildhibaanno iyo qaar kamid ah ehelada dadkan lasoo daayay.






LEAVE A REPLY