Daawo Sawirada Kenya : Guur Wadareed mar kaliya loo sameeyay 35 dhalinyaro...

Daawo Sawirada Kenya : Guur Wadareed mar kaliya loo sameeyay 35 dhalinyaro ah

0
SHARE

Dhalinyaro gaareysa illaa iyo 35 ruux oo wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya maanta loogu sameeyay ‘’Guur Wadareed’’ magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada oo doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay waayay awoodii dhaqaale.

Ku xigeenka Chief Khadi-ga Kenya Rashiid Cali Cumar, ayaa ku ku sheegay tallaabadan mid bilow ah, islamaraana u baahan in la dhiir-galiyo.

Waxaa uu intaa ku darray in tallaabadan ay u sameeyeen ku dhiiri-galinta dhalinyarada Guurka, si looga badbaadiyo in ay ku dhacaan fawaaxish kale sida ‘’Zinada’’ .

Waxaa uu ku booriyay Soomaalida in ay ka qeyb qaataan guurkan noocan oo kale ah oo mar kaliya dhalinyarada loo sameeyo, madaama uu jiro culeys dhinaca dhaqaalaha oo ah bulshada saameyn weyn ku leh.

Guurkan noocan oo kale ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee mar kaliya loo sameeyo dhalinyaro tiro intaa la eg ah taariikhda dalka Kenya inkastoo uu ku badan yahay dalalka Islaamka.

Kororka tirada bulshada iyo shaqooyinka oo yar ayaa ku keenay culeys in dhalinyaro badan awoodi waayaan in ay guursadaan, iyadoo loo arkay fikirka Guur Wadareedka mar kaliya la sameeyo mid xal ah.

Saciid Xasan Anteena,

LEAVE A REPLY