Daawo Sawirada: Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay oo sii...

Daawo Sawirada: Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya

0
SHARE

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ku qarxay laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Saldhiga Degmada Waabari.

Goob joogaaal ayaa ku waramay in gaariga qarxay oo ahaa nuuca raaxada uu kamid ahaa gaadiid laamiga marayay oo saf ku jiray, waxaana gaariga mar qura ku qarxay laamiga xili mashquul badan uu halkaasi ka jiray gaadiid badana ay marayeen.

Goobta uu gaarigu ku qarxay waxaa ku yaalay goobo ganacsi , waxaa sidoo kale halkaasi ku yaalay goobo dadka ay shaahu ka cabaan, waxaana laamiga gaarigu ku qarxay xiligaasi ka jiray mashquul aad u badan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 5 qof halka ay ku dhaawacmeen 10-kale, mana sheegin afhayeenka bartilmamaeedka rasmiga ah ee qarxaasai.

Goob joogaaal ayaa ku waramay in khasaaraha uu ka badan yahay inta uu Afhayeenku sheegay , waxa ayna tilmaameen in dhimashado gaareyso 10-qof oo shacab ah , laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaana gabi ahaan xiray halka uu qaraxu ka dhacay.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa hada ah mid degan, waxaana goobtaasi baaritaano kawada ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliiska, walina ma cada bartilmaameedka rasmiga ah ee qaraxaasi oo ka dhacay bartamaha laamiga gaar ahaan kasoo horjeedka Hotelka Wardheer iyo Carwada Midnimo.

Waxii warar dheeraad ah ee qaraxan kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah








LEAVE A REPLY