Deg Deg : Dhinacyadii ku dagaalamay Xeraale oo la kala qaaday

Tan iyo  markii dhawaan ay dagaaladu ka dheceen deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud waxaa soconayay dadaalo iyo waan waan nabadeed oo la doonayay in lagu joojiyo xabadda si loo joojiyo dhiiga dadka shacabka ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in haatan lagu guuleystay in la kala qaado dhinacyadii dagaalamay, islamarkaana xabad joojin la kala dhexdhigay kuwaasi oo haatan dhamaantoodi laga saaray goobihii ay ku dagaalameen.

C/laahi Cabdi Xareed oo kamid ah Guddi nabadeed oo kusugan deegaanka oo ay kujiraan waxgarad, culimaa’udiin iyo qeybaha bulshada ayaa sheegey in loo balansanyahay in wejiga xiga la wada fariisto, loona kala dab qaado labada dhinac.

“Waan ku guuleysanaya in aan xabad joojin kala dhex dhigno, haatan xaaladda deegaanku waa ay degantahay, ciidamaduna waa lakala qaaday  muddooyinkanba waan wadnay dadaaladaasi nabadeed”, Ayuu YiriC/laahi Cabdi Xareed.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Xeraale ayaa waxaa uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayadoo durba laga soo saaray baaqyo nabadeed, oo loo jeediyaya dhinacyadii dagaalamay, madaxweynaha Dowladda Federaalak Soomaaliya mudane Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegey in Guddi xaqiiqo raadin ah loo diri doono deegaanka Xeraale.

 Xigasho :Wakaalada Wararka Qaranka Soomaliyeed ee Sonna

W/Q Cali C/qaadir Cali 

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawiro+Faah-Faahin Dab Qasaare Hantiyeed Gaystay Oo Qabsaday Mid Ka Mid ah Dhismayaasha Ugu Caansan Dhanka Gaalkacyo ee Galmudug
- Nov 22, 2019
HM__Xafiiska Gaalkacyo :Dab Gaystay Khasaare Hantiyeed Ayaa Saqdii dhexe Ee Xalay Abaaro 12:45 ...
Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada
- Nov 22, 2019
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay ...
DEG DEG: Kulankii Muxaadarada uu Sheikh Umul ku qaban lahaa Muqdisho oo baaqday + Sababta
- Nov 22, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inuu baaqday ...
Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman
- Nov 22, 2019
Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii ...
Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)
- Nov 22, 2019
Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku ...
Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
 
Advertisements