Deg Deg Diyraado Sida Gargar Bani Adanimo oo ku soo Wajahan Galmudug...

Deg Deg Diyraado Sida Gargar Bani Adanimo oo ku soo Wajahan Galmudug iyo Hay,adaha QM oo Muqdisho ku Qabanaya Shir Dhaqalo logu Aruurinayo abaaraha Galmudug

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Muqdisho aya Waxa ay Shegayaan in diyaarado Sida Gar  Gar Bani adanimo ay ku soo wajahan Yihiin Deganada Dowlad Gobaleedka Galmudug maal maha Soo Socda Waxaana Gar  Gaarkan oo  isugu jira Nooco Kala duwan la Qorsheynaya in Maal maha Soo Socda lagu Soo Daabulo Diyaarado

ilaa Dhawr Diyradadood aya Soo Rari Doona Gar Garkaaan oo Muqdisho laga Keeni Doono Waxaana Sidoo kale Hay,adaha Qaramda Midoobay ay Qaban Qaabiyeen Shir Deg Deg Ah oo dhaqaalo loogu aruurin doono Abaraha Galmudug ka jira Waxaana Shirkaasi ka soo Qayb gali Doono Dowladaha Deeqda Bixiiyo iyo Sidoo kale Hay,ado iyo Safaarado kuwaasi oo dhaqaalo ku yaboohi doona barnaamij UNka uu wado oo dhaqaalo loogu raadinayo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha deganada Maamulka galmudug

Shirkan ayaa Waxa uu furmi doona  1 Ougust 2017 oo ku Beegan   Talaadada Soo socota iyadoona la  Filayo in uu Shirkaasi ka qayb Gali doono Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle Xaaf oo hada ku sugan cadaado

deganada Galmudug waxa ka jira abaaro si wayn ugu dhuftay  gobalada mudug iyo galgaduud waxana abaarta ay si wayn u sameysay gobalka mudug halkaasi oo kumaan  ari ay  ku baabeen markii ay abaartu sii dheeratay waxana deganada qaar dadka ay u dhinteen  biyo la.aan

Somaliya inta badan dadka abaartu ay sameysay lama gaarsiiyo gar  gaarka  loogu soo dhiibo hay,adaha iyo madaxda maamul gobaleedyada waxana mararka qaar dhaca in suuqyada la geeyo  raashin gar  gaar oo loogu talagalay dadka dhiban iyadoona ay ka beec mushtaraad ganacsato iyo shaqsiyaadka maamulka  gargaarka dadka loo soo dhiibay

wixii warar ah oo ku soo kordha shirarkaasi iyo wararka la xiriira  kala soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY