Deg Deg : Qaar ka Mida Dadkii laga Afduubtay Magalada Gaalkacyo Dhanka...

Deg Deg : Qaar ka Mida Dadkii laga Afduubtay Magalada Gaalkacyo Dhanka Galmudug oo la Siiyay

0
SHARE

Ganacsade C/kariin cali salaad jaamac dhoolawaa oo Ka Mid Ahaa Rag Ay La Baxeen 22 Bishaan Ciidamo Maraykan iyo Somalia Ah Kadib Hawlgalo Ay Koonfurta Gaalkacyo Ka Sameeyeen Ciidamadaasi Ayaa Haatan Dib u Helay Xoriyadiisa.

Ehelada C/kariin  Ayaa inoo Xaqiijiyay in Ganacsade C/kariin uu Xoriyadiisa Helay Asagoo Nabad Qabana La Keenay Hoyga uuka Dagan Yahay Gaalkacyo ee Habeeno ka Hor Laga Watay.

Soo deesmada Ganacsade C/kariin Ayaa Waxa Ay imaanaysa Xili Shalay Ay Warbaahinta La Hadleen Qaar Ka Mid Ah Ehelada C/kariin Ayna Dalbadeen in Xoriyadiisa uu Helo Muwaadin C/kariin Ama Lagusoo Cadeeyo Sababaha Loo Haysto.

Dhinaca Kale Waxaa Xusid Mudan in Wali uu Gacanta Ciidamada Somalida iyo Maraykanka uuku Jiro Ganacsade C/risaa Xuseen Tahliil oo Maraykanka uuku eedeeyay inuu Ka Tirsan Alshabaab.

Waxaa Gaalkacyo Ka Socda Kulamo Kala Duwan oo Ay Yeelanayaan Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada Kaasi oo inta Badan looga Hadlayo Sidii uu Xoriyadiisa u Heli Lahaa Ganacsade C/risaaq Xuseen Tahliil

LEAVE A REPLY