Deg Deg Qasaaro ka Dhashay is rasaaseen ka Dhacday Bandhig Faneed ay...

Deg Deg Qasaaro ka Dhashay is rasaaseen ka Dhacday Bandhig Faneed ay Gaalkacyo ku Qabnaysay Fartuun Birimo, Dhawacyo la Geyay isbitaalka Gaalkacyo

0
SHARE

Magaalada Gaalkacyo Gaar Ahaan Garoonka Kubada Cagta ee C/laahi Ciise Maxamuud Waxaa Hadda Ka Socda Bandhig Faneed Ay Qabanaysay  Fanaanada Fartuun Axmed Sahal,Fartuun Birimo Kaasi oo Hakad Kujiray Mudo Saacado Ah Kadib Markii Ay Dhaceen Rabshado Xoogan oo Sababay Dhaawaca 5 Qof.

 

Rabshadahan Ayaa Yimid Markii Qaar Ka Mid Ah Culima,udiinka Gobolka Mudug Ay Damceen inay Joojiyaan Bandhig Faneedkan, WaxaanaTaasi Ay Sababtay inay isku Dhacaan Culimada iyo ilaalada Xaflada Bandhiga Fanaanada.

intaas Ka Dib Ayaa Ciidamo Ka Tirsan Nabadsugida Galmudug oo Goobta Soo Gaaray Waxa Ay Kala Buriyeen Dadkii Culimada La Socday ,Waxaana Ay Fanaanada u Fududeyeen inay Qabsato Xaflada Bandhig Faneedka.

Dhinaca Kale Xiriiryo Aan la Sameenay Laamaha Caafimadka ee Gaalkacyo Ayaa Waxa Ay inoo Sheegeen in Ay Daran Tahay Xaalada 2-Ka Mid Ah 5-ta Qof ee Ku Dhaawacmay Rabshadaha.

Bandhiga Showga Ayaa Hada Socda,Waxaana Dadku Ay Ticketka Lagu Galayo Xaflada Ay Ku Goosanayaan Lacag Dhan 10$  Dollar

LEAVE A REPLY