DHAGEYSO: Muqdisho oo maanta laga xusay Afgambigii fashilmay ee Turkiga

DHAGEYSO: Muqdisho oo maanta laga xusay Afgambigii fashilmay ee Turkiga

0
SHARE

Hal Sano ayaa ka soo wareegatay markii uu fashilmay Afgembi ciidamada Militariga dalka Turkiga ay ku doonaayeen in ay ku qabsadaan dalkaasi, waxaana Maanta qeybo badan oo dunida ka mid ah lagu qabtay munaasabado Arrintaasi lagu xusaayo.

Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Safaaradda dowladda Turkiga ayaa lagu qabtay Munaasabad Ballaaran oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya sida , Wasiiro iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya oo goobta ka jeediyay Khudbad dheer ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tacsi u dirayso dadkii ku dhintay Habeenkii Afgembigii Fashilmay ee dalka Turkiga,

15-kii Bishii July ee sanadkii 2016-ka ayaa dalka Turkiga waxa ay u aheyd habeen madoow, inkastoo shacabka oo iska diiday dhibaato iyo fowdo dalkooda inuu galo ay muujiyeen arin ku dayasho mudan oo indhaha caalamka soo jiidatay.

Hoos Ka Dhageysi Codka

LEAVE A REPLY