Dhageyso Siyasiyiinta Galmudug””Miisaniyada Dowlada Farmaajo Waa Mid ku Salaysan Qabiil ,Galmudug uma...

Dhageyso Siyasiyiinta Galmudug””Miisaniyada Dowlada Farmaajo Waa Mid ku Salaysan Qabiil ,Galmudug uma Qalanto Dhaqalaaha loo Qoondeyay Puntlandna Xaq uma Laha Dhaqalahaasi””

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo iyadoo Dhawaan miisaaniyada Dowlada Soomaliya ay soo Saartay isla Markana la Soo bandhigay Lacagaha la siin Doono maamul Gobaleedyada aya Waxa arintaasi durbadiiba ka Soo Horjeestay Qaabka Dhaqalahaasi loo Qaybiyay Masuulyiin ka Tirsan Barlmaanka galmudug Wasiiro iyo Sidoo kale Siyaasiyiin  ka Soo jeeda Deganada Galmudug

Ku Dhawaad Shan Bilyan oo Dolllar aya loo Qoondeyay Maamulka Puntland ,Halka Maamulka Jubalanda loo Qondeyay lcgo ku dhaw intaasi ,Maamulka Galmudug aya loo Qoondeyay Lacag ku dhaw Hal Bilyan oo Dolar halka wax ka yar hal milyana loo Qoondeyay Maamulka Hirshabelle ,arintaasi waxa ay abuurtay Xiisad Hor leh oo looga Soo Horjeestay Qaabka ay Wax ku Wado Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyadoona lagu Edeyay in Madaxweyne Farmaajo Qaab Qabiil uu Wax uu ku wado

Siyaasiga Ahmed Shire Falagle oo Horay Wasiir uga Soo Noqday Maamulka Galmudug oo Waraysi Gaar ah siiyay Hobyomedia.com aya arintaasi ku Tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu sameyay wax aan laga Filaneen isagoo shegay in Dalka uu dib ugu Celiyay 1991 iyo dhibaatooyin laga soo kabsaday

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY