Dowlada Mareykanka oo ka hadashay hawlgalkii Gaalkacyo

Dowlada Mareykanka oo ka hadashay hawlgalkii Gaalkacyo

0
SHARE

Mareykanka, ayaa si kooban kaga hadlay hawlgal horaantii toddobaadkan laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu soo qabtay nin lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwo Soomaali ah lagu soo qabtay C/risaaq Xuseen Tahliil (Caloolgeel).

Afhayeenka Ciidamada AFRICOM, haweeneyda lagu magacaabo Jennifer Dyrcz, ayaa sheegtay in C/risaaq Xuseen Tahliil uu ahaa fududeeye Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.

Jennifer Dyrcz oo la hadashay Washington Post, ayaa sheegtay in C/risaaq Xuseen uu ku noollaa dalka Mareykanka, intii u dhaxeysay 2006-2009-kii, isagoo haystay sharciga deganaanshiyaha Mareykanka.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug, lana dhashay ninka lagu xiray Magaalada Gaalkacyo, ayaa beeniyay in walaalkii uu ka tirsan yahay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil, ayaa ku waramaya in hadda ka hor ay Ciidamada Puntland xabsiga dhigeen C/risaaq Xuseen, hase ahaatee ay soo sii daayeen, markii wax dembi ahi ay ku waayeen, sida uu yiri.

Xildhibaan Tahliil oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxaa uu qiray in walaalkii uu hadda ka hor ku noollaa dalkaasi Mareykanka, isagoo intaa ku daray in dalal badan uu maray.

Tahliil oo u muuqday mid ka careysan xariga walaalkii C/risaaq, ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeeyay in ay wax ka dhageysato/maqasho Puntland, oo qura.

Bishii October ee sanadkii hore mar Caloolgeel uu ka soo muuqday kulan lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo, ayuu iska fogeeyay inuu ka tirsan yahay Al Shabaab.

LEAVE A REPLY