Faah Faahino Qarax Xoogan oo goordhaw ka Dhacay Gaalkacyo

Faah Faahino Qarax Xoogan oo goordhaw ka Dhacay Gaalkacyo

0
SHARE

qarax  ayaa goor dhaw ka dhacay Magaalda Gaalkacyo kaasi oo  lagu dilay ganacsade iyo mid ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaashii horumarka iyo nabadda gobolka Mudug.

Goob joogayaal ayaa in oo sheegay in gaarigiisa loogu xiray qaraxa Cabdirisaaq Muuse Nuur-yare oo ku magac dheera Jaxeer.

“Jaxeer dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax gaarigiisa ka dhacay ayuu ku dhintay.”ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka GMC.

Marxuumka dhintay ayaa la dhashay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Mudug Axmed Muuse iyo xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka Cabdilladiif Muuse.

Ma jirto wali cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Gaalkacyo oo ka mid noqonaya weerarrada lugu bartilmaamedsanayo mas’uuliyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY