Gadiidka Dagaalka ,Hub iyo Guutooyin Malariga Somaliya ka Tirsan lana Dagalamayay Shabab...

Gadiidka Dagaalka ,Hub iyo Guutooyin Malariga Somaliya ka Tirsan lana Dagalamayay Shabab oo Nolol iyo Geeri Lagu La Yahay

0
SHARE

Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, kadib markii lagu waayay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Birta Dheer ee duleedka Magaalada Garbahaareey.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay la’yihiin saddex askari nolol iyo geeri meesha ay aadeen, kuwaasi oo lagu waayay intii uu dagaalka uu socday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay in ciidankaasi ay u badan yihiin inay u gacan galeen Ururka Al Shabaab, maadaama illaa xalay ay baadigoobayeen.

Dhinaca kale Shabaab ayaa maydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka Somaliya waxa ay ku soo bandhigeen deegaanka Tuulo Barwaaqo oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Masuuliyiin Shabaabka ka tirsan ayaa fagaaraha maydadka askartaasi lagu soo bandhigaayay ka sheegay in ciidankaan lagu dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Birta Dheer ee duleedka Magaalada Garbahaareey.

Shabaab ayaa sheegay maydadka ay soo bandhigeen inuu ka mid yahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Birta Dheer.

Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka, Maxamed Cabdow Cali (Sanka), ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday shalay uu bilowday 9:30 subaxnimo, isla-markaana uu soo idlaaday 12:00 duhurnimo, isagoona ku faanay in dagaalka ay guulo ka gaareen.

Taliyaha, ayaa sheegay inay iyagu weerarka ku qaadeen maleeshiyada Al Shabaab, oo sida uu sheegay xilligaa isu uruursaneysay Deegaanka Birta Dheer, ayna ka saareen deegaankaasi, sida uu yiri.

Isagoo la hadlayay VOA, ayuu qeexay in dagaalka dhankooda kaga dhimatay saddex askari, halka afar kalana looga dhaawacay, ayna Shabaabku ka dileen 12 nin, 17 kalana ay kaga dhaawaceen.

LEAVE A REPLY