Jaah Wareer ka taagan Amar Shabab ay Dul Dhigeen Ganacsatada Muqdisho iyo...

Jaah Wareer ka taagan Amar Shabab ay Dul Dhigeen Ganacsatada Muqdisho iyo Dowlada Somaliya oo ku amartay Ganacsatada in cidi Yesha Talabo Laga Qadi Doono

0
SHARE

Shirkan jaraa’id oo siwada jir ah ay caawa u qabteen Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar  Islow Ducaale, taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska ayaa ku faah faahiyay   go’aan ay ka soo saareen Golaha wasiirada Soomaaliya kuwaasi oo ku saabsan in wax taageero ah la siin Karin Alshabaab.

Wasiirka Amniga  ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.

Taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urruada argagaxisada sida Al-shabaab soo galaan kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan; sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

Waxaa kamid ahaa qodobada la soo saaray,

1: in aan la aqbalidoonin in lacago la siyo Alshabaab taasi oo ay ugu yeeraan taakuleynta mujaahidiinta iyo sakawaad.

2: cidkasta oo alshabaab lacag siiso in talaabo laga qaado,lamina aqbalayo in mar marsiyo laga dhigto handadaad

3: Ganacsatadu waxaa looga digayaa in ay taageeraan Alshabaab oo ay lacago siyaan.

4: Cidii Alshabaab u aqoonsata maamul jira talaabo ayaa laga qaadayaa.

5: xawaaladaha dalka kajira Alshabaab lacago uma keydin karaan, lacagna uma dirikaraan..

6: shirkadaha xawaaladaha uma fududeyn karaan adeegyada kaladuwan ee isgaarsiinta.

7:Caawa laga bilaabo ninkii ganacsade ah oo aado deegaano Al-Shabaab maamulaan sida Toora Toorow iyo deegaano kale lacagna u geeya SHabaab waa la xerayaa, hantidiisana Dowladda ayaa la wareegaysaa.

8: cidkasta oo go’aamadan ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa, cid looga aaba yeelaayana majirto.

LEAVE A REPLY