Jaaliyada USA ee Ka Soo Jeeda Deganka Xeraale oo Shegay Magacyada Shaqsiyaad...

Jaaliyada USA ee Ka Soo Jeeda Deganka Xeraale oo Shegay Magacyada Shaqsiyaad dowlada ku jira oo Dagaalkii Xeraale ka Danbeyay

0
SHARE

Qaar kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Maraykanka kana soo jeedo degaanka Xeraalle ayaa wax lagu xumaado ku tilmamay colaadda degaankasi, iyo dagaalada, waxa ayna intaasi ku dareen in arintaasi ay tahay mid laga doonayo dowladda Soomaaliya in ay xal nabadeed u keento.

Qaasim Aadan oo kamid ah qurba-joogta ku sugan magaalada Colombus ee Gobolka Ohio ayaa tilmaamay in ay jiraan dad xilal sare ka hayo dowladda Soomaaliya, oo qeyb ka ah colaadda ayna sii hurinayaan dagaaladaasi ka taagan degaanka Xeraalle ee gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Qaasim Aadan ayaa carabaabay xubno kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin xilal sare ka hayo dowladda Soomaaliya, oo ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin colaadda, waxa uuna intaasi raaciyay in aan loo dulqaadan karin marnaba in dhibaatada degaanka ay sii socoto, lana barakiciyo shacabka ku dhaqan degaanka xeraalle ee gobolka galgaduud.

“ waxaa ku lug leh Dagaalka Xeraale Xildhibaan Cabdullaahi Carab iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir” sidaas waxaa yiri Qaasim Aadan oo ka mid ah Qurba Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Maraykanka.

Dhawaan ayeey ahayd markii degaanka Xeraalle uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay maleeshiyo degaanka ah iyo ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna ee ka arimiyo qaybo kamid ah gobolka Galagaduud.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo dhinaciisa ka hadlayana waxa uu ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, waxa uuna intaasi ku daray in ay gudi u saari doonan kaasi oo u kuur gala xaaladda degaanka xeraalle ee gobolka galgaduud.

LEAVE A REPLY