Somali iyo Afkhanistan ku Wada Dagaalamay Xero Qaxooti oo ku Taal Dalka...

Somali iyo Afkhanistan ku Wada Dagaalamay Xero Qaxooti oo ku Taal Dalka Austria , iyo Wiil Somali ah oo isbitaalka la Dhigay

0
SHARE

Sida uu qorayo wargeyska Salzburg ee dalka Austria, xero qoxooti oo kutaal magaalada Purkersdorf (Bezirk St. Pölten) ayaa waxa uu dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmaray koox soomaali iyo Afgaanistaani ah, kuwaas oo kaamka ku wada noolaa.

Wiil soomaali 17-sano jir ah ayaa la sheegay in dhacdadaas owgeed uu kasoo dhacay daaqada dabada labaad ee xeradaas uu dagaalku ka dhacay, waxaana soo gaaray dhaawacyo daran, iyada oo markii danbe loo cararay isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladaas.

Booliska magaalada Purkersdorf  ayaa sheegay inay dhacdadaas usoo qabteen dhowr qof oo qaarkood ay xabsiga dhigeen.

Dalka Austria waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay magangalyo soo weydiistay boqolaal soomaali ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro.

Xigasho/kilde: Salzburg

LEAVE A REPLY