Tirada Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Sii...

Tirada Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Sii Batay iyo Shirar Hoose oo ay ku Qabteen Cadaado Wararkii Ugu Danbeyay

0
SHARE

HM__Xafiiska  Cadaado  >  Wararkii Ugu Danbeyay ee ku soo Dhacay Xafiiska Warqabadka Hobyomedia.com ee Magaalada  Cadaado Ayaa Waxa ay Shegayaan in ay Sii batay  Tirada Xildhibaanada  ka Tirsan Barlamaanka maamulka Galmudug kuwaasi oo Mooshin ka wada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi “Carabeey” .

Hadal haynta Arinta Mooshinka laga Wado Madaxweyne ku xigeenka Galmudug aya Soo Shaac Baxday Dabaqayadii Usbuucii Tagay ,Waxaana Xubno ka Tirsn Barlmaanka Maamulkaasi ay Diyaarinayan Qorshooyin Mooshin looga Keenayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi

Warar lagu kalsoon yahay oo Ay Heshay xarunta Warqbadka Hobyomedi.com ee Magalada Cadaado aya Shegaya in Dhawr shir oo Hoose ilaa xalay ay ka Dhaceen Gudaha Magaalada Cadaado ,Waxana kulmay Tiro Xildhibaano ah oo Horkacaya Mooshinka laga wado Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaasi.

Hadii uu Mooshinka Hirgalo Waxa ay ka Dhigan tahay in Dib u Dhac Kale uu Ku imaan karo Arimo Muhiim u ah Maamulka Galmudug oo ay ka Mid Tahay Wada Hadalada Maaamulka Ahlusunna iyo Galmudug oo hada laga filanayo isbadal cusub madama shirar cusub oo Ahlusunna iyo Galmudug lan Qaban Qaabinayo kaa oo lagu Qabnayo Magaalada Muqdisho

Lama Oga Tirada Rasmi ah ee Mooshinkan Wada Balse Arintan aya ku soo beegan tahay kadib markii Maanta Madaxweynaha Mamulka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle Xaaf uu Furay Kalafadhigii 5aad ee Golaha Barlamaanka maamulka Galmudug isagoona maanta Qudbad u jeediyay Xildhibaanada Galmudug kana Warbixiyay Shaqooyin uu soo Qabtay Mudo 30 Cisho ku dhaw oo uu ka Maqnaa Xarunta KMG maamulka Galmudug ee Caado

Wixii ku soo Kordha kala Soco Warbaahinta Hobyomedia.com

 

LEAVE A REPLY