War Dag Dag ah : Ciidamada Nabadsugida Somaliya iyo kuwo Ajanib...

War Dag Dag ah : Ciidamada Nabadsugida Somaliya iyo kuwo Ajanib ah oo Xaly Dhanka Galmudug ee Gaalkacyo Dad Kala Baxay , Wararkii Ugu Danbeyay

0
SHARE

Sida ay  Hobyomedia.com u xaqiijiyeen dadka kunool Magaalada Gaalkacyo ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo waxa ay ka fuliyeen.

Howlgalka oo ahaa Mid qorsheysan ayaa loogu dhacay Guri ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo , iyadoona lala baxay xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Qof ka mid ah Dadka kunool Gaalkacyo ayaa Hobyomedia.com  u sheegay in ciidamada ay u dhaceen guri ku yaalla Gaalkacyo ,islamarkaana gurigaasi ay kala baxeen Saddex oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka aya waxaa fuliyay Ciidamo ka tirsan nabad Suggida Soomaaliya iyo xubno Ajnabi ah oo ku sugan Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Saraakiisha Nabad Suggida Faahfaahin kama bixin howlgalkaan laakiin waxa ay sheegeen in ay baaris ku waddaan Saddexdaasi qof.

LEAVE A REPLY