WAR DAG DAG AH :Dagaal hada Kasocda Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud

WAR DAG DAG AH :Dagaal hada Kasocda Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Wararka Goordhaw naga Soo gaaraya  degmada xeraale ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in hada degmadaasi uu kasocda dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan ururka ahlusuna.

Dadka deegaanka ayaa diiday dalabkaga yimid ururka ahlusuna kaasi oo ah inay taageeraan maamulkooda waxaana taasi ay keentay in Ciidamo ka tirsan ahlusuna ay  weerar kusoo qaadaan degmada,iyadoo dadka deegaankana ay is difaacayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay xiisadu waa ay ka taagneed xeraale hase yeeshe dagaalka maanta ayaa ah mid kulul oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY