War Dag Dag ah Duqeyn lagu dilay Saraakiil Shabaab ka tirsan oo ka dhacday Gedo

Degaanka Kabis oo ka tirsan Gobolka Gedo, ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqaynta ayaa la sheegayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo Maamulka Gobolka Gedo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa ay wateen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Diyaaradahaasi duqeynta gaystay ay ahaayeen kuwa dalka Kenya laga leeyahay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo askar Shabaab ka tirsan.

Wuxuu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa Afrikaan Madow ah.

Ka sokoow sheegashada Maamulka Gobolka Gedo uu sheegaayo in la beegsaday goobtaasi ay ku shirayeen Saraakiisha Al Shabaab, waxaanan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Degaanka Kabis ayaa wuxuu ku dhaw yahay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Shabaab weli kama aysan hadlin duqeyntaan culus ee maanta lagula beegsaday degaanka Kabis ee Gobolka Gedo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

DaawoDhismaha Wadooyin Muhiim ah oo ka socda Magaalada Hobyo
- Apr 23, 2018
Wadooyinka la dhisayo waxaa kamida ah kuwa magaalada Dhex mara isla markana aada dhanka ...
Muqdisho oo 3-Milyan ku nool yihiin oo DF lagu amray iney cadeyso Maqaamkeeda
- Apr 23, 2018
Nuur Ismaaciil Shiikh oo ka mid ah aqoon yahaanada iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho oo ...
Qarax ka dhacay Misaajid ku yaalla magaalada Bama ee dalka Nigeria
- Apr 23, 2018
Wararka ka imanaya dalkaasi Nigeria ayaa sheegaya in dad isa soo miidaamiyay ay ugu ...
SAWIRRO: Qofka ugu da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay, Imisa sano jir bay aheyd?
- Apr 22, 2018
Dalka Japan waxaa ku geeriyootay Nabi Tajima, oo dhalatay Bishii  August 4dii ee Sanadkii,1900,kii waxaana ...
Daawo Muwaadin Somali-Canadian Muddo 11-Sanno Ku Xirnaa Ethiopia Oo Dib Ugu Laabtay Kanada
- Apr 22, 2018
Bashiir Makhtal Daahir oo 49-jir ah ayaa bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsi ...
Imaaraadka oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raranaya Markab ku xiran Dekadda (Daawo Sawirro)
- Apr 22, 2018
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa agabkoodii muhiimka ahaa ee u yaalay magaalada Muqdisho bilawday in ...
Madaxweynaha Iran oo ku hanjabay in ay talaabo aan la malayn karin qaadi doonaan hadii Maraykanku ka baxo heshiiska nukliyeerka
- Apr 22, 2018
Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku hanjabay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ...
C/Qeybdiid”midnimo iyo wada jir dalkaan kama dhaceyso inta dad xaqooda la dafirayo”
- Apr 22, 2018
Kulan lagu sagootinayay gudoomiyayaahsa baarlamaanada ee maamul gobalaeedyada dalka ka jira iyo gudiyada madaxa ...
Gabar lix bil keliya jirta oo Hindiya lagu kufsaday Kadibse Maxaa dhacay?
- Apr 22, 2018
Gabar lix bilood jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay gobolka Madhya Pradesh ee ...
40 sano kadib Filimkii ugu horeeyay oo Maanta fagaare lagu daawanayo Sacuudiga (Sawirro)
- Apr 22, 2018
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ...
DF oo dib u eegis ku sameyneysa dhammaan Heshiisyadii ay gashay shirkadda DP World
- Apr 22, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi ...
Akhriso Wadamo africaan ah oo ka soo dhax muuqanaya dalalka ku bahoobay ururka barwaaqo sooranka
- Apr 21, 2018
Dawladda Britain ayaa sheegtay in ay si weyn usoo dhawaynayso in dalka Zimbabwe uu ...
Akhriso Waraaqo sir ah oo Trump ku saabsan oo la faafiyay
- Apr 21, 2018
Wada sheekeysi dhexmaray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo agaasimihii hore ee FBI-da James Comey ...
Ciidamada Galmudug iyo kuwa xooga dalka somaliya oo iyagoo isgarabsanaya qadaya dagaal xoogan
- Apr 21, 2018
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka wadaan degaanada Cammaaro, ...
Nin 40 sano la weysanaa oo ugu dambeyn laga helay baraha bulshada (Daawo Sawirro)
- Apr 21, 2018
Nin u dhashay dalka Hindiya oo la weysanaa muddo 40 sano ah ayaa qoyskiisa ...
>
 
Advertisements