War DEG DEG ah : Agaasimihii hore ee Wasaaradda warfaafinta DF oo...

War DEG DEG ah : Agaasimihii hore ee Wasaaradda warfaafinta DF oo lagu Qarxiyey Muqdisho

0
SHARE

Qarax gaystay khasaaro ayaa maanta lagu bartilmaameedsaday magaalada Muqdisho gaari uu watay Agaasimihii hore ee Wasaaradda warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi xilli uu marayay mid ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuurka uu watay Agaasimihii Hore Warfaafinta Mudane Bahlaawi.

Sidoo kale Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir Waxaa la sheegay in uu ku Dhaawacmay Agaasime Bahlaawi iyo Askari ilaalo u ahaa.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Faderaalka ee Soomaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxan ka dhacay iyagoona halkaasi ka bilaabay howlgalo baaritaano ah oo lagu baadigoobayo dadkii qaraxa gaystey.

Wixii ka soo kordha dib kala soco In Shaa Allah….

LEAVE A REPLY