War deg deg ah: Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland oo kalsoonida lagala...

War deg deg ah: Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland oo kalsoonida lagala laabtay

0
SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo goor dhaweyd kulan uu uga furmay magaalada Garoowe ayaa cod aqlabiyad ah ku riday Golihii Wasiirada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa fadhiga ka hor akhriyey Mooshin ka dhan ah golaha wasiirada Puntland kaasoo ay saxiixeenb in ka badan 40 Xildhibaan ka dibna waxaa cod la geliyey mowshinkaas.

Waxaa fadhiga soo xaadiray 57 xildhibaan, 47 ka mid ah ayaa u codeeyey in la rido Golaha Wasiirada Puntland waxaa ka soo horjeestay 9 xildhibaan, halka 1 xildhibaana uu ka aamusay.

Baarlamanka Puntland ayaa waxay ku eedeeyeen golaha Wasiirada inay ku fashilmeen dhawr qodob oo ay ka mid yihiin bixinta dhaqaalaha Amniga, Daryeelka Ciidamada iyo Qorshe la’aan ka jirta xaalada Amaanka.

Waa markii ugu horeysay ee Baarlamanka Puntland uu rido golaha wasiirada maamulkaas tan iyo markii la aasaasay maamulkaas 19 sano ka hor.

LEAVE A REPLY