Xaalada Deganka Saaxo ee Gobalka Mudug oo ay ku Dagalameen Xoolo Dhaqatada...

Xaalada Deganka Saaxo ee Gobalka Mudug oo ay ku Dagalameen Xoolo Dhaqatada galmudug iyo Puntland maxa ku soo Kordhay?

0
SHARE

HM||Xafiiska Gaalkacyo Wararkii Ugu Danbeyay e Naga Soo gaaraya Deganka Saaxo ee Gobalka mudug oo Ay ka Dhacen Dagaalo Goos Goos ah aya Dgaan Waxana Wararku ay Shegayan in Xoolo Dhaqatada labada dhinac ay wadan Hub aruursi inkastoo hada aysan jirin wax dagaal ah oo socda

Xiisada aya ah hada mid dagan Balse Dadka  Degankaasi ku Nool oo La Hadlay  Hobyomedia.com aya Waxa ay shegeen in ay ka Cabsi Qabaan in Mar kale ay  isku Dhacaan Xoolo Dhaqtada Labada dhinac ,Waxana Jira Baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo  Dadka degankaasi si loo dajiyo xiisadaha degankaasi laga soo shegayo

Wasiirka amniga Dowlad Gobaleeka galmudug oo ka Hadlay Dagaalka ka Dhacay deganka saaxo aya Waxa uu ku tilmamaay mid nasiib  daro ah xili  Maamulada Galmudug  iyo Puntland ay isku afgarteen Heshiis nabadeed oo wax looga qabnayo dagaalo soo laab laabtay oo ka dhacay bariga Gobalka Mudug halkaasi oo ay dagaalo ku dhax mareen Xoolo Dhaqato labada dhinac ka kala Soo Jeeda.

ma jiraan ilo Madax banaan oo xaqijinaya Qasaraha Dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi balse labda dhinac aya waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan qasaraha dhabta ah ee dagalkaasi ka dhashay

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ee  Gobalka Mudug oo hobyomedia.com ay xiriiro kala duwan ay la sameysay waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bxiiyaaan  qasaraha jira  dhankooda iyo sababaha mar walba soo cel celinaya dagaalka xili heshiisyo lagu rajo waynaa labada dhinac ay ku kala saxiixdeen gaalkacyo

Arintan aya  ku soo adaysa Xili Odayaasha Maamulka Puntland ay idaacadaha Gaalkacyo ka shegeen in Heshiiska Ay Gareen Madaxda Galmudug iyo Puntland uu ahaa mid aan ku taagneed cago arintaasi oo  abuurtay in  xiisad hor leh iyo in xoolo dhaqatadii labada dhinac ay mar  kale kala shakiyaan xili dadka ay ku sugayeen in Heshiiskii la gaaray oo sii tanaado

Wixii Warar ah oo ku soo  Kordha Kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY