Xog : in ka Badan 50 askari kana tirsanaa Ciidamada sida...

Xog : in ka Badan 50 askari kana tirsanaa Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan oo la ruqseeyay,kadib Markii Hayado mareykan ah ay isku dhaceen

0
SHARE

Warar soo baxaya oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in la ruqseeyay Tiro Askar ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan oo xarun ku lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Askartan la ruqseeyay ayaa gaaraya illaa kontameeyo askari, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha loo ruqseeyay.

Warar laga helay Ilo kala duwan ayaa sheegaya inuu isku dhac dhex maray ciidamadan iyo mas’uuliyiinta shirkad Mareykan ah ee gacanta ku heysay ciidamadan, kaasoo ku saabsanaa dhanka awaamiirta.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya inuu khilaaf ka dhashay qalab ciidan oo la sheegay in lagala baxay Xerada ay degenaayeen ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Soomaalida ah, taasoo keentay in askar dhowr ah la ruqseeyo, sidoo kalena ay ka caroodaan tiro askar kale.

Ciidamadan ayaa markii dambe xerada isaga soo baxay, iyagoo tagay Xarunta Taliska Nabadsugida, halkaasoo la sheegay inuu ku qaabilay Taliyaha NISA Sanbaloolshe.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in markii hore uu jiray is faham waa u dhaxeeyay Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiinta shirkaddan Mareykanka ee gacanta ku heysay Ciidamadan oo ku saabsanaa dhinaca awaamiirta iyo xilliyada loo baahdo ee ay howl galada fulinayaan.

Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu dhowana siiyay VOA waxaa uu ku sheegay in Ciidamada Gaashaan aanay ka amar qaadan Wasaaradda iyo Taliska NISA, marka loo baahdana ay weydiisan jireen Saraakiisha maamuleysay ciidamadan.

Ciidamada Gaashaan oo horay loogu yaqaanay Alpha Group ayaa ah Ciidamo hab dhaqankooda wanaagsan yahay, kana duwan ciidamada kale ee dowladda, waa ciidamo si gaar ah u tababaran oo ay gacanta ku heyso shirkad aan magaceeda la aqoon, balse la rumeysan yahay inay hoos-tagto Sirdoonka Mareykanka, waxayna bixsaa tababarkooda, qalabeyntooda iyo mushaarkooda oo la sheego in askarigiiba uu qaato lacag gaareysa illaa $500 (Shan boqol oo dollar)

LEAVE A REPLY