XOG :Xuno ka Tirsan Barlmaanka Galmudug oo Diyaarinaya Mooshin Xilka Looga Xayuubinayo...

XOG :Xuno ka Tirsan Barlmaanka Galmudug oo Diyaarinaya Mooshin Xilka Looga Xayuubinayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Warar kale oo shegaya in MadaxweyneXaaf asna mooshinka uu ku jiro

0
SHARE

HM__Xafiska Cadaado Xubno ka Mida Barlmaanka Galmudug ayaa wada Qorshooyin  ragaadin kara  isbadalka ku yimid Hogaanka Maamulka Galmudug kadib Markii ay soo ifbaxeen Warar shegaya in la diyaarinayo Mooshin lagu eryo doono Madaxweyne ku xigeenka Maamulka galmudug  Maxamed Xaashi Carabey

Warar kale oo laga Helay ilo ku ag dhaw dhaw Madaxtooyada Galmudug aya shegaya in ay jiraan tiro kale oo aad u kooban kuwaas oo barlmaanka galmudug ku qal qaalinaya mooshin ay shegeen in lacago badan ay ku helayaan  hadii uu hirgalo madama muhsaar aysan qaadan , waxana mooshinkaasu tirada xildhibaanada kale ay ka wadaan madaxweyaha Maamulka Galmudug

Barlamaanka Maamulka Galmudug 

Waxa ay foodda galiyeen sanadkii saddexaad, 23 bilood ayaa uga hartay muddada xilhayntooda, waxaa laga filayey in ay qabtaan howl badan, balse howlqabadkoodu aad ayuu uga hooseeyaa intii laga filaayey.

Shaqooyinka ugu muhiimsan oo ay qabteen mudanaayaashu muddo 25 bilood ah:

  1. Doorashadii Guddoonka Barlamaanka.
  2. Doorashadii Madaxweyne Guuleed. Iyo ku xigeenkiisa.
  3. Wax ka badal qaar ka mid ah qodobada dastuurka.
  4. Ansixinta golaha wasiirada ee uu soo dhisay C/kariin Guuleed.
  5. Doorashadii 8 Senator aqalka sare Soomaaliya.
  6. Kalsooni kala noqoshadii C/Kariin Guuleed.
  7. Doorashadii Madaxweyne Xaaf.

Waa dhab inay jiraan xildhibaano yar oo diyaar u ah inay shaqeeyaan, balse waxaa muuqata in inta badan ay dantooda gaarka ah  hormariyaan, iyagoo awoodoodu isugu geeyey sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen.

Arinta xusidda mudan  in Dhawr kala Fadhi oo la rabay in barlmaanka ay yeshaan in  uusan furin , taa oo keentay in hogaanka barlmaanak dhawaan ay barlmaanka mar kale fariin u direen  waxaa Cadaado ka maqan inta badan xildhibaanada Galmudug, taas oo ku horgudban furitaanka kalfadhiga Barlamaanka.

Todobaadkan oo la filayey in ay soo xaroodaan dhammaan xildhibaanada, ayaa waxaa dhacday in Qaramada midoobay ay diyaarad gaar ah oo 74 qof qaadda u kireysay xildhibaanada Xamar ku sugan, oo ka badan 70 mudane, waxaana dhacday in 12 kaliya diyaarada soo raacaan, taas oo ka dhigan ay xildhibaanadu u muuqdaan in loo doortay in ay hotelada Xamar ku xarafsadaan.

Dadka u dhuun duleela siyaasadda Galmudug ayaa u arka in jileeca guddoonka Barlamaanku yahay sababta ugu weyn ee habacsanaanta jirta.

Warar hoose ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar karkarinayaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, halkaas oo ay u arkaan in dheefi ku jirto… Inta badan bulshadu kuma faraxsana habdhaqanka xildhibaanada waxayna u arkaan halka ay ka sartu ka qurunsan tahay. Sidoo klae Warar kale aya Shegaya in madaxweynaha Galmudug asna Mooshin laga diyaarinayo

 

 

LEAVE A REPLY