Daawo Sawirada Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo lagu Soo Dhaweyay Galinsoor

Daawo Sawirada Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo lagu Soo Dhaweyay Galinsoor

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado :Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Maanta Socdaal ku tagay Magaalada Galinsoor Ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Degmada Galinsoor iyo Shacabka Magaalada.

Madaxweynaha ayaa Kulamo la qaatay Bulshada ku nool Magaalada iyo Maamulka Degmada Galinsoor Ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Ayaa Waxa Safarka ku Wehlinaya Qaar ka Tirsan Golahiisa Wasiiirada , Saraakiil Ciidan iyo Sidoo kale Xubno horay Xilal kala Duwan uga Soo Qabtay Dowlad Gobaleedka Galmudug

Wafdiga Madaxweyne Xaaf aya Waxa sidoo kale ka Mid ah Gudoomiyii Hore eee Barlmaanka Ex,Galmudug Xasan Maxamuud Hayl

Bulshada Galinsoor aya Wafdiga Madaxweynaha u Gudbiyay Codsi kala duwan oo qaar kood intooda badan ku saabsana in Deganka La Soo gaarsiiyo Mashaariicda kala duwan ee Deganada Maamulka Galmudug Laga fulinayo Waxana Shacabka Deganka ay Madaxweynaha Ka Codsadeen in Deganka Laga Hirgaliyo Xarumo Caafimaad iyo Goobo Waxbarasho

Wafdiga aya la Qorsheynaya in ay u sii gudbaan Maagaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug halkaasi oo la Filayo in kulamo ay kula Qaadan Doonaan maamulka Gobalka mduug iyo Sidoo kale Odayaasha beelaha ee Gaalkacyo ku sugan Waxana sidoo  kale laga Wada Hadli Doona arimo muhiim ah sida ilo Wareedyo lagu Kalsoon yahay ay u Shegeen Warbaahinta hobyomedia.com

LEAVE A REPLY