Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kulan kula Qaatay Saraakiil ka Socda Dowlada...

Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kulan kula Qaatay Saraakiil ka Socda Dowlada Shinaha oo dhisaysa Dakada Hobyo iyo…

0
SHARE

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay masuuliyiinka ka socday dowladda Shiinaha.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray dhismaha dekadda Hobyo, oo ah isha ugu muhiimsan Galmudug dhaqaale iyo horumar ka sameyn karto. Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed ayaa u diiday Shirkadda Shiinays ah dhismaha dekadda Hobyo, isagoo taas badalkeeda ku wareejiyey shirkad Ciraaqi oo ku guuldareysatay inay mashruuca fuliso.

Madaxweyne Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii maalgalin loogu heli lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug, dhanka kale Mr. Xaaf ayaa la filaya inuu saacadaha soo socda ka dago magaalada Galkacyo.

LEAVE A REPLY