Daawo Muqaal+SAWIRRO: Meydadka Askartii Amisom Looga laayay Sh/Hoose oo Uganda la geeyay

Daawo Muqaal+SAWIRRO: Meydadka Askartii Amisom Looga laayay Sh/Hoose oo Uganda la geeyay

0
SHARE

12 ka mid ah meydadka Ciidankii Uganda ee Axadii lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa galabta dib loogu celiyay dalkooda, ka dib markii laga dejiyay Garoonka Entebbe.

Diyaarad nooca xamuulka ah, ayaa maanta meydadkan ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, oo uu ku dhex yaalo taliska ugu weyn ee Ciidamada Amisom.

Ciidankan oo ka tirsanaa Militariga Uganda ee qaybta ka ah Amisom, ayaa waxaa lagu weeraray meel ku dhow Deegaanka Golweyn, xilli ay sahay ka qaadeen Deegaanka Danow, ayna ku sii jeedeen Deegaanka Buulo Mareer.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan 39 askari, ayna gacanta ku hayaan meydadka askartaasi..

Muuqaalka Hoos ka daawo

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Madeira oo ka hadlay weerarkaasi, ayaa beeniyay in lagu dilay 39 ka mid ah Ciidamada Amisom, balse lagu dilay 12 askari, halka 7 kalana lagu dhaawacay.

Dowladda Mareykanka, ayaa dhaleeceysay weerarka ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana ay ka xun tahay waxyeelada Amisom ka soo gaartay weerarkaasi.

Sarkaal u hadlay xafiiska arrimaha bulshada ee hawlgalka Mareykanka uu ka wado Somaliya, oo lagu magacaabo Raymond Stephens, ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada Somaliya, ee dhaqangelinta nabadda iyo horumarka.

LEAVE A REPLY