Daawo Sawirada: Dhacdo la yaab leh Lamaane booliis ah oo shaqada...

Daawo Sawirada: Dhacdo la yaab leh Lamaane booliis ah oo shaqada looga eryey been layaab leh oo ay sheegeen

0
SHARE

Lamaane katirsanaa booliiska dalka Hindiya ayaa shaqada laga ceyriyay, kadib markii ka been sheegeen in ay fuuleen buurta adduunka ugu dheer ee lagu magacaabo Everest oo kutaala dalka Nepal.

Guddi baaritaan ku sameenayay sheegashada lamaanahan katirsan booliiska dalka Hindiya ayaa ugu dambeyn ogooday in lamaanahan ka been sheegeen in ay fuuleen buurta aduunka ugu dheer.

Lamaanahan oo lagu magacaabo Dinesh iyo Tarakeshwari Rathod ayaa sanadkii hore sheegey in ay ku guuleysteen in ay noqdeen lammaanihii ugu horeeyey oo booliis ah oo fuula buurta adduunka ugu dheer ee Everest ee ku taala dalka Nepal.

War kasoo baxay booliiska gobolka Maharashtra ayaa lagu sheegay in sheegashada lamaanahan booliiska katirsan ay aheed mid been abuur ah , waxaana la cadeeyay sawirada ay baahiyeen in ay yihiin kuwa la been abuuray.

Sargaal u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Sahebrao Patil ayaa sheegey in lammaanahan ay booliiska usoo jiideen sumcad darro iyo muran aanan loo baahnayn, sidaasi darteedna shaqada looga eryey.

Dowladda dalka Nepal ayaa lammaanahan sidoo kale kusoo rogtey in ay ka mamnuuceen in ay fuulaan buuraha dalkaasi maadaamaa ay been sheegeen, waxaana sheekada lamaanahan beentooda fashilantay si weyn looga hadal hayaa dalka Hindiya .

Lamaanahan beentooda laga daba tagay ayaa wali ku doodaya in sawirada ay soo bandhigeen ay sax yihiin ayna fuuleen buurta aduunyada ugu dheer, waxa ayna iska dideen dhaleeceynta loo soo jeediyay ee ku aadan in ay been sheegeen.

Nin buuraha fuula oo lagu magacaabo Satyarup Sidhantha ayaa warbaahinta u sheegey in sawirada ay yihiin kuwa uu isaga leeyahay, lammaanahan ay sawirada been abuur ku sameeyeen, waxaana fashilka lamaanahan banaanka keenay kadib markii la ogaaday in dhar iyo kabo kala duwan ay xirnaayeen sawirrada, taasi oo shakiga sii cadaysay..






LEAVE A REPLY