Daawo Sawirada : Magaalo caan ah oo diiday in laga fujiyo...

Daawo Sawirada : Magaalo caan ah oo diiday in laga fujiyo Calaamadii Naaziyiinta

0
SHARE

Degmo ku taalla dalka Canada ayaa diidday in calaamad ku dheggan goob ay dadku ku nastaan laga saaro, iyadoo sheegtay inay taariikh ahaan muhiim tahay.

Calaamadaha Nazi ayaa lagu qurxiyay tabeello ku suran degmada Pointe-des-Cascades, ee gobolka Quebec.

Corey Fleischer, oo ku wareega magaalada Montreal isagoo fujinaya tabeellooyinka lagu xardhay calaamado ama erayo nacayb muujinaya, ayaa isku dayay inuu rinji dul mariyo calaamadda.

Balse duqa magaalada ayaa ka celiyay oo goobta ka saaray, isagoo sheegaya in tabeelluhu uu yahay mid taariikhi ah.

Tabeellahan ayaa waxaa ku dheggan calaamadda Naasiyiinta, waxaana la sheegay in laga adeegsaday Yurub dhammaadkii dagaalka, gaar ahaan in doon ganacsi oo ay ku xardhan tahay la helay sanadkii 1980.

Balse warbixin lagu daabacay barta Internet-ka ee magaalada, ayaa lagu sheegay in tabeellaha ay lahayd doon ganacsi xilligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayna heleen darawallada deegaanka 25 sano ka hor.

Xaafadda ay ku taallo goobta ay dadku ku nastaan ayaa waxaa ku nool ilaa 1,500 oo qof waxayna ku taallaa meel ilaa 50 meyl u jirta (80km) Montreal.



LEAVE A REPLY