(Daawo Sawirro) Madaxweyne dal Islaami ah oo saddex haween u magacaabay ku-xigeenadiisa

(Daawo Sawirro) Madaxweyne dal Islaami ah oo saddex haween u magacaabay ku-xigeenadiisa

0
SHARE

Madaxweynaha dib loo doortay dhowaan ee dalka Iran Xassan Ruuxaani ayaa magacaabay sadex haween oo noqon doona madaxweyne ku-xigeenada dalkaas.

Waa markii ugu horraysay oo haween loo magacaabo xilal sidaas u sarreeya, tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii Iran 1979-kii, marka laga reebo hal wasiir oo lagu magacaabi jiray Mardiyah taasoo soo qabatay wasaaradda caafimaadka xukuumaddii Maxamed Axmedi Najad sanidihii 2009-2013-kii.

Xukuumad uu soo dhisay Madaxwaynuhu oo aan wali la horgayn baarlamaanka ayaa waxaa tiro yar ku leh Muslimiinta Sunniga ah, kuwaasoo 10% ka ah tirada guud ee dadka Iran.

Masumeh Ebtekar ayaa loo magcaabay ku xigeenka madaxwaynaha ee arrimaha haweenka iyo qoyska, halka Maaouma Jnid loo magcaabay ku xigeenka madaxwaynaha ee arrimaha sharciga iyo Sheindecht Mulawardi oo loo magacaabay inay madaxwaynaha kala taliso arrimaha xuquuqda rayidka.

Axsaabta isbedel doonka ah ee Iran ayaa ku doodaya in kala duwanaansho la’aanta golaha wasiirada ee cusub oo ay dumarku ku yaryihiin ay tilmaam u tahay in madaxwaynuhu uu cadaadis kala kulmay hay’adaha kala duwan ee diinta.

Golaha Baarlamaanka ayaan is hortaag ku samayn doonin wasiirada cusub, maadaama intooda ugu muhiimsan ay ogolaansho ka haystaan wadaadka ruuxiga ee Aayatullaahi Cali Khumayni.



LEAVE A REPLY