Deg Deg Labo Qof oo lagu Dilay Duleedka Magaaalada Gaaalkacyo ,Wararkii Ugu...

Deg Deg Labo Qof oo lagu Dilay Duleedka Magaaalada Gaaalkacyo ,Wararkii Ugu danbeyay

0
SHARE

Warar Naga Soo Gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug Ayaa Shegaya In Duleedka Magaaladaasi  Gaalkacyo Uu Ka Dhacay Fal Argagax leh Oo lagu dilay labo haween ah kadib nin Qori watay uu rasaas la dhacay xili uu xabadaha u waday qof kale.

Labadan Haweenka ah ayaa lagu dilay Kaamka Booray oo u dhow Bali Abaar oo qiyaastii 13KM waqooyiga uga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Meesha dilku ka dhacay ayaa lagu soo warmayaah inuu ka socday Qoritaan hay,ado ay ku bixinayeen raashin kadibna ninka wax dilay Haweenaydiisa oo laga reebay qoritaankaas ayuu hay,adii weerar isku dayey in uu ku qaado laakiin xabadihii uu u waday hay,ada aya ku dhacay labadan haweenka ah ee geeriyooday

Gacan ku dhiiglihii ayaa gacanta lagu soo dhigay waxaana loogudbiyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

LEAVE A REPLY