Deg Deg : Madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle oo isna xilka laga qaaday

Deg Deg : Madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle oo isna xilka laga qaaday

0
SHARE

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenkii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Xildhibaan ka  mid ah kuwa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guudlaawe  oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Faarax ayaa in 54 Xildhibaan ay xaadireen kulanka xilka looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waxa ka socda Hirshabeelle ay yihiin fashil siyaasadeed oo ay ku lug leedahay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabeelle ee ku jira Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay faragelin ku hayaan Maamulka Hirshabeelle oo ay ka shaqeynayaan in uu maamulkaas bur buro.

Waxaa uu intaas raaciyay in Xildhibaannada ku jira Federaalka ee ku lugta leh khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle ay Maxkamad la tiiogsan doonaan.

LEAVE A REPLY