Dhacdo: Dhageyso Nin Dilay Naagtiisa ayay Ciidanka Galmudug Soo Qabteen Balse...

Dhacdo: Dhageyso Nin Dilay Naagtiisa ayay Ciidanka Galmudug Soo Qabteen Balse Kiiska waxa ku lugyeshay dad 3qof ka badan , Puntland aya lagu Warejin dona Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo mid ka mid ah dilay xaaskiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Booliska maamulkaasi.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta Galmudug Maxamuud Cilmi Maxamuud ayaa sheegay raggan ay Ciidamada gacanta ku dhigeen in ay kala yihiin nin xaaskiisa dilay iyo Afar nin oo gacan ku siisay.

Wuxuu sheegay Taliyaha dilka in uu ka dhacay degmada Goldogob oo ka tirsan Puntland, balse raggan ay u soo carareen qeybta Galmudug, sidaasina ay gacanta ugu dhigeen Ciidamada.

Maxamuud Cilmi Maxamuud Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta Galmudug ayaa sidoo kale sheegay raggan ay gacanta ku hayaan in marka hore ay baaritaano ku sameyn doonaan kiisaskooda, kadibna ay u gudbin doonaan Puntland,Ninka Xaaskiisa dilay ayaa sheegay xaaskiisa waqtiyadii ugu dambeysay in ay ka dhaxeysay xurguf yar, sidoo kalena uu jiray Maseer, sidaasina uu ugu dhuftay Xabad uu ka riday Qorigiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY