Dhageyso Ahlusuna oo sku Qilaafay maanta Kulan Wada Hadal ah oo maanta...

Dhageyso Ahlusuna oo sku Qilaafay maanta Kulan Wada Hadal ah oo maanta dhax Mar laha Galmdug kaas oo ka dhacayay Deganka…

0
SHARE

HM__Xafiska Gaalkacyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta isku Khilaaftay wadahal ay la galaan Maamulka Galmudug kaas oo ka furmi lahaa deegaanka Mareer-gur ee gobalka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxda ugu sareysa Ahlusunnada Gobalada Dhexe ayaa la sheegay in ay isku Khilaafeen Wadahalkaasi maanta ka furmi lahaa Mareer-gur, wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Saraakiisha Ahlsunna ayaa diiday in lala fariisto Galmudug halka kuwa kalane ay ogolaadeen in lala kulmo Madaxda Galmudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa  Hobyomeda.com  u sheegay in kulankii maanta uu ka fashilmay dhinaca Ahlusunna taasina ay Sabab u tahay Khilaaf soo kala dhax-galay Dhinaca Ahlusunna balse ay wali rajo ka qabaan in kulankaasi uu dhaco.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY