Dhageyso Dagaalkii ka Dhacay Shalay Xeraale iyo Dhimashada o sii Korartay,Warar Shegaya...

Dhageyso Dagaalkii ka Dhacay Shalay Xeraale iyo Dhimashada o sii Korartay,Warar Shegaya in Dagaalka lagu Dilay Saraakiil ka Tirsan Ahlusuna

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado ::Inta La Hubo 12 Ayaa Kudhintay 20 Way Kudhaawacmeen Dagaalkii Kadhacey Xeraale ,Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhaawacmay Ayaa Isugu Jirey Dhinacyadii Dagaalamay.

Dagaalkii  Ayaa Qasara Xoogan Kasoo Gaarey Ciidanka Ehlu Suna Sida Ay Hobyomedia.com  Usheegen Ilo Xogogaal Ah. Sidoo Kale Waxaa Jira Saraakiil Sare Oo Katirsan Ehlu Suna Oo Kudhaawacmay Dagaalkii Maanta. Waxaana Wararku Sheegayaan In Go.doon Ay Kujiraan Saraakiisha Dhaawacan Tahay Waxaana Adag In Ay Lasoo Baxaan Ehlu Suna

Dhinaca Kale Weerar Dhabagal Ah Ayaa Lagu Soowaramayaa In lagu Diley 4 Askari Oo Katirsan Ehlu Suna Halka 8 Kale Oo Katir Ciidan Ehlu Sunana Ay Kudhaawacmeen In La Xaqiijayay. Weerarkaan Ayaa Yimid Kadib Markii Dad Kasoo Jeeda Xeraale Ay Jidka Ugaleen Gaari Ciidan oo Gurmad Ahaa Kasoo Kasoo Baxay Gurceel Kuna Siijeeday Xeraale.Halka Weerarka Kadhacey Ayaa Lagu Magacaabaa

MAYEERAAN Ciidanka Jidka Loogalay Ayaa Doonayay Sida Wararku Sheegayaan Inay Sooqaadaan Dhaawac Saraakiil Katirsan Ehlu Suna Oo Kudhaawacmay Dagaalkii Maanta. Saraakiisha Dhaawaca Ayaa Lasoo Sheegayaa Inay Ku,Godoomeen Nawaaxiga Xeraale, Ilo Xogogaal Ah Oo Lahadlay  hobyomedia.com  Ayaa Sheegay Saraakiisha Dhaawacmay Ee Ciidanku Ugurmanayeen Inay Kala Yahiin


Maxamed Xaaji Diiriye (xamduur) Oo Ah Sarkaal Ehlu Suna Uqaabilsan Dhanka Tobobarada Sidoo Kale Saraakiisha Dhaawacantay Waxaa Kamid Ah Xasan Maxamed Quure Oo Ah Taliyihii Ehlu Suna Ee Dagmada Gurceel ,Taliye Kuxigeenka Dagmada Dhuusamareeb Ayaa Kamid Ah Dadka Dhaawacmay Sida Ilo Xogogaal Ah Usheegeen Radio Cadaado.  Cabdi Qadar Fanax oo ka mid ah dadka deegaanka Xeraale  Ayaa Arimahaas Uga Waramey hobyomedia 

HALKAAN KADHAGAYSO CODKA CABDI QADAR

LEAVE A REPLY