Dhageyso Dowlada Somaliya oo ka jawaabtay hadalkii Maamulka GalmudugShegtayna in Dad loo...

Dhageyso Dowlada Somaliya oo ka jawaabtay hadalkii Maamulka GalmudugShegtayna in Dad loo Qabqabtay Dilkii Gudoomiyii Gobalka Galgaduud

0
SHARE

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay howlgallo ay sameeyeen Ciidamada in ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo rag lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Guddoomiyaha Yaaqshiid oo aan sheegin tirada ragga ay gacanta ku dhigeen ayaa tilmaamay in hada ay ku socdaan baaritaano, sidoo kalena dhowaan ay soo bixi doonto natiijada saxda ah.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Axmed in mar walba ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga iyo hormarka degmada, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni daro.

Hoos ka Dhageyso Codka

 

LEAVE A REPLY