Dhageyso Faahinadii u Danbeay :Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Dilkii Gudoomiyaha Gobalka...

Dhageyso Faahinadii u Danbeay :Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Dilkii Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud iyagoo Dowlada somaliya fariin u Diray

0
SHARE

Maxamed Nuur Diini  Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Galmudug   ayaa sheegay in shacabka  iyo madaxda Dowladd goboleedka Galmudug ay aad ugu naxeen dilka loo geystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi, iyo walaalkiisa oo ku sugnaa Degmada Yaaqshid, ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaliya ay iska kaashan doonaan sidii baaritaan loogu sameyn lahaa dilka loo geystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi , Waxaana  Ugu danbeyntii dowlad goboleedka Galmudug War Qoraalka ah oo maanta ka soo Baxaydowlada federaalka ee soomaaliya   Ay Ugu Baaqday  in ay baaritaan ku sameyso soona qabtaan dadkii ka danbeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii gobolka galgaduud iyo walal kiis  isla markaana Cadaalada la horkeeno.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY