Dhageyso Qarax Miino oo Sababay Dhimasho, iyo Dhawac la kenay ...

Dhageyso Qarax Miino oo Sababay Dhimasho, iyo Dhawac la kenay Magaalada Gaalkacyo Wararkii Ugu Danbeyay

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo : Wararkii Ugu Danbeyay ee ku soo Dhaca Xafiiska Warqabadka Warbaahinta Hobyomedia.com ee Magalada Gaalkacyo ayaa Waxa ay ku soo Waramayan in Qarax Miino uu ka Dhacay Deganka Docole oomane oo Qiyaastii  70 KM u jirta Magalada Gaakacyo

Qaraxa Miinada ayaa Yimid Kadib Markii  Qaar ka Mida Caruurta Degankaasi ay ku ciyaareen Miino aan Wali Qarxin taa oo markii danbe sababtay Dhimashada 2 ka Mida Caruurta Degankaasi halka mid kale uu ku dhawacmay Qaraxa Miinasadaasi

Dhacdadan ayaa Waxa ay ku Dhacday Hal Qoys oo ka Mida Dadka ku Nool Degankaasi waxana ilmaha Dhintay iyo ilmayga Dhawaca ah ay yihiin Wallalo ,iyadoona wiilka  dhawaca ah la keenay magalada Gakacyo si xaladiisa caafimaad halkaasi loogu Dabiibo

Qaybo Ka Mida Gobalka Mudug , Waxaa wali ku aasan Miinooyin aan wali qarxin kuwaasi oo inta badan waxyeelo gaarsiiya dadka rer miyiga ah oo aan aqoonin miinada ,mana jiro dadaal maamulada jira ay ugu jiraan sidii arintan wacyi galin loga siin laha dadka  reer miyiga ah oo aan fikrad dherad ah ka haysan halista miinooyinka ka dhalan karta

Hoos ka Dhageyso Warbixin Dheraad ah 

LEAVE A REPLY