Dhageyso Sarakisha Puntland oo ku Dhawaqay in Amniga Dhanka Waqooyiga Gaalkacyo uu...

Dhageyso Sarakisha Puntland oo ku Dhawaqay in Amniga Dhanka Waqooyiga Gaalkacyo uu Faraha ka Sii Baxay?

0
SHARE

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland  Cabdiqaadir Shirre Faarax Erag oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Puntland ayaa ka hadlay Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,waxaana uu sheegay Sababaha wax looga qaban la yahay Dilalka ka dhacay Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa  sheegay in uusan jirin Sirdoon ka shaqeeya Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland oo ogaan kara Xogta Kooxaha wax dila sidoo kalena aysan wada shaqeyn sidaa u buuran laheyn Shacabka Reer Puntland ee ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo iyo Ciidamada Booliska,taasna ay sahashay in Dadka Bastooladaha wata ay Dilal geystaan.

“Ciidamada Booliska Puntland Dariiq walba ma taagna,Shacabka ayaa laga rabaa in ay Ciidanka ku soo wargeliyaan waxa ay Arkaan,balse taas aad ayey u yar tahay”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY