Dhageyso Siyaasada Hirshabelle oo Qasantay ,Madaxweynihii Xilka Laga Qaaday Cali C/lahi...

Dhageyso Siyaasada Hirshabelle oo Qasantay ,Madaxweynihii Xilka Laga Qaaday Cali C/lahi Cosoble oo u Guuray Baladweyne iyo Gudigii Dorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu Dhawaqay

0
SHARE

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo kalsoonida lagala noqday, ayaa gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Cosoble ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne wuxuu ku cadeeyay in uu ka soo guuray magaalada Jowhar, uuna ku shaqayn doono wixii hada ka dambeeya magaalada Baledweyne.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayuu ku eedeeyay inay soo fara geliyen Maamulka Hirshabeelle.

Dhanka Kale Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga Doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle oo dhowaan dhici doonta, sida uu qorshuhu yahay. Waxaana ay Gudigaasi ka Koobna Yihiin 9 Xubnood

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY