Dhageyso Xiisadii ka Dhalatay Xasuuqii bariire oo sii saro kacday ,Maamulka Galmudug...

Dhageyso Xiisadii ka Dhalatay Xasuuqii bariire oo sii saro kacday ,Maamulka Galmudug oo dalbaday in Dowlada Somaliya ay cadeyso Go,aankeeda u Danbeya iyago Shegay in an indhaha laga qarsan karin xasuuqasi

0
SHARE

HM)Xafiiska Cadaado :  War ka Soo baxay Maamulka Galmudug aya looga Hadlay Xasuuqii ka Dhacay Deganak bariire halkaasi oo lagu laayay dad maras ah kadib duqayn ciidamada mareykanka iyo kuwa somalida ay ka fuliyeen degankaasi

Dhacdadaasi aya Waxa ay sababtay Xiisad Siyaasadeed iyo  Banaanbaxyo rabshado wata oo ka Dhacay  Shabeelooyinka iyo Sidoo kale Magalada Muqdisho Waxana Meydadka Dadkii duqayntaasi ku dhintay la diiday in la aaso tan iyo ilaa dowlada somaliya ay xaquuqdooda meel sarayso dadkaasi duqyanta lagu dilay

Hadaba Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo ku hadlayay afka maamulka galmudug aya Saxaafada Shir jaraid u qabtay a,Waxana uu ugu Horeyn tacsi u diray  Ehelada dadka laayay , waxana uu dowalda soomalya  uu ka dalbaday in dowlada ay jawaab lagu qanco ka keento arintasi  ugu Danbeyn waxa uu shegay in maamulka galmduug uu tagersan yahay cid walba radinaysa xaquuqda dadkii shacabka aha ee la xasuuqay

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY