Dowlada Norwey oo Wada Qorshe Dhalashada Loogala Noqanayo Waalidiinta ilmahooda dugsi...

Dowlada Norwey oo Wada Qorshe Dhalashada Loogala Noqanayo Waalidiinta ilmahooda dugsi qur´aan ugu dira Dalka dibadiisa

0
SHARE

HM__Xafiiska Oslo ::Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay soo jeedineyso hindise sharciyeed cusub oo ah in waalidka ilmahooda dugsi qur´aan ugu dira dalka dibadiisa laga qaado sharciga dalkan Norway.

Listhaug ayaa sheegtay inay muhiim tahay in caruurtaas oo qaarkood ay la kulmaan waxyaabo xun-xun ay u baahanyihiin taageero, isla markaana waalidka caruurtaas dhaley laga horistaago inay arintaas ku kacaan. Waxeyna soo jeedisay in laga qaado sharciga ay ku joogaan dalkan Norway

Listhaug ayaa sheegtay ayaa u muuqato inay ku dayaneyso xisbiga xagjirka dalka Denmark(DF) oo bilo kahor soo jeediyay isla hindise sharciyeed noocan oo kale ah. DF ayaa taageero ka helayo labo xisbi oo kale ayaa u eg inuu arintaas baarlamaankaan ka meel-marin doono. Waxaana laga hadli doonaa marka laga soo noqdo xiliga fasaxa

Waxaa xusuusid mudan in dhacdadii Hargeysa ee gabdhaha laga soo qabtay goobta dugsi quraanka ay arintan kaalin weyn ku leedahay. Xisbiga DF ee dalka Denmark ayaa soo jeedintiisa sal uga dhigay sharaxaad ay bixisay gabar kamid ah gabdhihii halkaas kasoo fakaday.

Jan Bøhler oo isna ah xildhibaan katirsan xisbiga Ap ayaa dhankiisa sheegay in arintaas uu soo dhaweynayo. isaga oo raaciyay inay muhiim tahay in la baaro in caruurtaas ay iskood u noqdaan iyo in la qasbay..

Hadaba Arintan oo Dhawaan ay Ka Hadleen Saxaafada Somalida ee Dalka Norwey aya banaanka usoo baxday Mar kale

Xigasho/kilde: Vårtland

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.