Faah Faahin Dhageyso Maamulka Galmudug oo Beeniyay Hadalkii Gen.Galaal...

Faah Faahin Dhageyso Maamulka Galmudug oo Beeniyay Hadalkii Gen.Galaal ee ahaa in heshiis ay Wada Galeen Galmudug iyo Ahlusuna , iyo arimo ku Saabsan Dagalkii Xeraale

0
SHARE

HM_Xafiiska Cadaado Wasiirka wasaarada waefaafinta Dowlada Galmudug Maxamuud Cismaan Masagawa oo Shir Jaraaid ku qabtay Magalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ayaa nasiib daro ku tilmaamay hadalkii maanta ka soo yeeray Gen-Maxamed Nuur Galaal oo ahaa  in is faham lagagaaray wada hadaladii Ahlusuna iyo Galmudug uuna sheegay Gen-Galaal in Labada Maamul la mideyn doona.

Sidoo kale wasiirka ayaa Wax kama Jiraan ku Tilmaamay  in dagaalada xeraale iyo mareer gur u dhexeeyaan dadka deegaanka iyo Ahlusuna ayna tahay mid ay ku diidanyihiin asigoona sheegay in xeraale ay dadka deegaanka iska soo saareen Ahlusuna maanta ay mar kale kula dagaalameen mareergur,

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka galgaduud laga dareemayo xiisad u dhaxeya maamulka Galmudug iyo Culumada Ahlusan Waljmeec

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY